Published: 25 April 2024

In lagu codeeyo warqad

Maalinta axada ee 9ka juun 2024 waa doorashada baarlamaanka Yurub ayaa Iswiidhan ka dhacaysa.

Sidan ayaad samaynaysaa

  1. U diyaarso codkaaga si gaar ah. Warqadda codbixinta ee bannaan, ku qor magaca xisbiga aad rabto inaad u codeyso. Waxa kale oo aad qof ahaan ugu codayn kartaa adiga oo ku qoraya magaca xisbiga iyo magaca musharaxa aad doonayso in aad u codayso. Ku rid warqadda codbixinta baqshadda codbixinta. Xir baqshadda adiga oo mar labaad isku dhejinaya ama isku laabaya daboolka. Taas waxaad samayn kartaa iyada oo aanay markhaatiyadu joogin.
  2. Marka ay joogaan laba markhaati, geli baqshaddaada codbixinta baqshadda ay ku calaamadsan tahay "Baqshadda sare ee loogu talagalay codbixinta boostada" ”Ytterkuvert för brevröst” Xir markale baqshadda sare (ytterkuvertet). Ku qor macluumaadkaaga iyo saxiixaaga si cad oo la arkayo xagga hore ee baqshadda (ytterkuvertet). Macluumaadka dhamaantiis waa in la buuxiyaa si codka loo ansixiyo.
  3. Markhaatiyadu waa inay si cad ugu qoraan macluumaadkooda iyo saxeexyadooda xagga dambe ee baqshadda dadka dibadda loogu talagalay. Macluumaadka dhamaantiis waa in la buuxiyaa si codka loo ansixiyo.
  4. Ka dibna soo qaado baqshadda ay ku calaamadsan tahay "Baqshadda lagu ridayo warqadda codaynta " “”Omslagskuvert för brevröst”.
    Haddii aad haysato kaarka codbixinta Ku rid kaarta codbixinta baqshadda sare (ytterkuvertet), gudaha baqashada lagu ridayo kaarka codaynta (omslagskuvertet) si ay cinwaanka uga arkaan daaqadda/dariishada guddiga doorashada ee degmadaadu baqshada codaynta (omslagskuvertet).
    Haddii aanad haysan kaarka codbixinta Dhig baqshadda sare (ytterkuvertet) si cinwaanka Hay'adda doorashadu ee ku yaala baqshadda sare uu uga muuqdo daaqadda/dariishada baqshadda codaynta (omslagskuvertet).
  5. Hubi inaad wada samaysay tallaabooyinka kor ku yaala dhammaantood. Haddii aad soo wada samaysayn tallaabooyinka kor ku yaala dhammaantood, waxaad diyaar u tahay inaad baqshadda daboolka markale dib u xirto oo aad faranka-boolo/tigid yar ku dhejiso! Ku soo dir warqaddada codbixinta boosta oo ka soo dir dibadda sida ugu dhakhsaha badan laakiin ugu horrayn 25ka abril 2024. Warqaddaada codbixinta boostu waa inay ku timaadaa wakhtiga la tirinayo codadka. Codbixinta lagama soo diri karo Iswiidhan gudaheeda.

Soo dir warqadda codbixinta boosta ugu horeyn 25ka abril

In boosta aad ku soo codayso waxay macneheedu tahay in aad goor hore soo codayso adiga oo codbixintaada dibadda ka soo diraya maalinta doorashada ka hor.

Codbixinta waa in la soo diraa si ay u timaaddo wakhtiga codadka la tirinayo. Codbixinta lama tirin doono haddii Iswiidhan laga soo dhex diro.

Codbixinta boostada waxaa loo dirayaa goobta codbixinta Iswiidhan ee aad ka tirsan tahay. Goobta codbixinta kaarka codbixinta waa laga saarayaa baqshadda doorashada. Baqshadda codbixinta ayaa markaa lagu ridayaa sanduuqa codbixinta iyadoo ay la socdaan codadka kale,si la mid ah sidii adiga oo ka codeeyey goobta codbixinta oo kale.

Markhaati

Si aad ugu codayn karto boostada, waxaad u baahan tahay laba markhaati oo 18 jir ah. Markhaatiyadu khasab maaha inay noqdaan muwaadiniin Iswidhish ah.

Markhaatiyadu waa inay caddeeyaan in warqadda codbixinta boostada si sax ah loo sameeyey iyagoo ku buuxinaya macluumaadkooda baqshadda sare. Haddii markhaatiyadu aanay lahayn tobanka lambar (personnummer) waxay taa beddelkeeda qori karaan taariikhda dhalashadooda.

Waa muhiim in markhaatiyadu ay si cad u qoraan macluumaadkood si aan codbixinta loo diidin.

Warqadda codbixinta

Qalabka waxa ku jira warqad codbixineed oo bannaan/maran. Waxa aad ku qori kartaa warqaddaa bannaan magaca xisbiga iyo waliba musharaxa aad doonayso in aad u codayso hadii aad rabto in aad qof u codaynayso. Ka fikir in aad si muuqata oo cad aad wax u qorto.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan u codaynta qofka, xisbiyada iyo musharraxiinta waxaad ka heli kartaa iyadoo ku qoran luqadda Iswidishka leenka (länken).

Xuquuqda codbixinta iyo kaarka codbixinta

Haddii aad xaq u yeelato inaad codayso, waxaa lagugu daraa diiwaanka codbixiyayaasha oo waxaa lagu siinayaa kaarka codbixinta. Kaarkaaga codbixinta waxaa ku qoran in aad adigu xaq u leedahay inaad wax doorato.

Waxaad xaq u leedahay inaad codbixiso haddii aad tahay muwaadin iswiidhish ah oo aad ka diiwaangashan tahay Iswiidhan. Waxa kale oo aad xaq u leedahay in aad codayso haddii aad tahay muwaadin u dhashay mid ka mid waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, oo aad ka diiwaangashan tahay Iswiidhan oo aad iska diiwaan gelisay diiwaanka codbixiyeyaasha iswiidhan.

Muwaadiniinta iswidhishka ee ka diiwaangashan Iswiidhan si toos ah ayaa loogu soo daraa diiwaanka dadka codbixiyayaasha ah. Muwaadiniinta Midowga Yurub ee raba in lagu daro diiwaanka dadka codbixiyeyaasha ee iswiidishka waa inay iska diiwaan geliyaan maamulka gobolka ugu dambeyn 30 maalmood ka hor maalinta doorashada.

U fiirso:

  • Waa in aad 18 sano jirto ugu dambayn maalinta doorashadu dhacayso.
  • Qofka aan waligiis iska diiwaan gelin Iswiidhan xaq uma laha inuu codeeyo.
  • Qofka Iswiidishka ah ee waddan dibadda ah ku nool oo deggan waddan kale oo Midowga Yurub ah wuxuu dooran karaa inuu ka codeeyo waddanka uu ku nool yahay. Markaas la xidhiidh hay'adda doorashada ee waddankaa aad ku nooshahay si aad halkaas iskaga diiwaan geliso diiwaanka dadka codbixiyayaasha ah. Codbixiye ahaan, waxaad ka codayn kartaa mid ka mid ah waddamada, xitaa haddii aad leedahay laba dhalasho.