Published: 26 February 2024

In la codeeyo

– doorashada Baarlamaanka Isbahaysiga Yurub oo ku beegan axad 9 juunyo 2024

Yaa xaq u leh in u codeeyo?

Waxaad xaq u leedahay inaad codeeyso haddii jinsiyada dalka Iswiidan aad haysato, oona maalinta doorashada aad buuxsatay 18 sano oona rasmi ahaan ka diiwaan gashan tahay ama ka diiwaan gashanaan jirtay dalka Iswiidan.

Dadka jinsiyada dalka Iswiidan haysto oo ka diiwaan gashan dalka Iswiidan si toos ah ayaa loogu biiriyaa diiwaanka codbixiyeyaasha. Haddiise dal dibadda ku yaallo ka diiwaan gashan tahay waa in tobbankii sano ba hal mar isku qorto diiwaanka codbixiyeyaasha. Qofka weligii laga diiwaan gelin dalka Iswiidan xaq u ma laha ka qaybgelista doorashada.

Waxaad kaloo codaynta xaq ugu leedahay haddii jinsiyad aad ka haysato dal kamid ah dalalka xubin ka ah Isbahaysiga Yurub, ka diiwaan gashan tahay Dalka Iswiidan oona isku qortay diiwaanka codbixiyeyaasha. Waa inaad iska diiwaan gelisaa Gole-goboleedka [länsstyrelsen] ugu dambayntii 30 maalmood kahor.

Haddii codaynta aad xaq ku leedahay waxaa boostada lagugu soo diri doonaa kaarka codaynta. Kaarka codaynta waxaa ku qoran warbixin ku saabsan xaqa codaynta iyo goobta aad ka codeeyn karto. Haddii kaarka codaynta ee adiga ku gaarka ah aadan haysan mid cusub ayaa dalban kartaa.

Sidatan ayaa loo codeeyaa

Cod-bixintaada waa sir, mana u baahnid inaad qof kale wargeliso xisbiga ama musharaxa aad codkaaga siisay.

Warqadaha codbixinta waxay yaalaan dhammaan goobaha laga codeeyo. Midibka dhammaan warqadaha codbixinta ee doorashada Baarlamaanka Isbahaysiga Yurub waa cad. Markii aad codeeynayso waa in warqadda codbixinta aad dhex geliso baqshadda doorashada.

Markii aad codeeynayso waa inaad hawlwadeneyaasha tusisa kaarka aqoonsiga ee adiga ku gaarka ah. Haddii kaarka aqoonsiga aadan haysan waa in qof kale u cadeeyaa aqoonsigaaga, xaaladdaas qofkaas waa in u hawlwadeneyaasha tusa kaarka aqoonsigiisa.

Xisbi u codeey

Waxaad u codeeyn kartaa xisbi. Magaca xisbiga warqadda codbixinta ayuu ku qoran yahay. Haddii magaca xisbiga aad doonayso inaad u codayso ka wayso warqadda codbixinta waxaad warqadda codbixinta cad ku qortaa magaca xisbiga.

U codeey xisbi iyo qof

Haddii aad doonayso inaad u codeeyso musharax gaar ah oo xisbi ka tirsan, waxaa calaamo/istilaab saari kartaa afargeysta hor taalo magaca musharaxa xisbiga ee warqadda codbixinta. Hal musharax oo keliya ayaa afargeysta ku calaamadayn kartaa. Tan kale qof gaar ah ayaa codkaaga siin kartaa, adigoo isticmaala warqadda codbixinta ee maran kaddib ku qor magaca xisbiga iyo magaca musharaxa.

Maalinta doorashada kahor ayaa ka codayn kartaa degmada aad degan tahay ama degmo kale

Waxaa jiro goobaha codaynta maalinta doorashada kahor. Waxaad ka codeeyn kartaa goobta codaynta maalinta doorashada kahor aad doonayso ee ku taalo dalka oo idil. Fursadda codaynta maalinta doorashada kahor waxay bilaaban doontaa 22 maajo waxayna dhammaan doontaa 9 juunyo. Markii maalinta doorashada kahor aad codaynayso waa inaad haysato kaarkaaga codaynta, haddii u ka lummo mid cusub ayaa dalban kartaa kaddib lagu soo diri doonaa.

Goobta codbixinta ka codeey maalinta doorashada 9 juunyo

Dhammaan codbixiyeyaasha waxay ka codayn karaan goobta codbixinta oo ay ka tirsan yihiin. Goobta codbixinta waxay furan tahay oo keliya maalinta doorashada. Waxaad ka codeeyn kartaa goobta codbixinta ku qoran kaarka codaynta oo keliya.

Ka soo codeey dal dibadda ku yaallo

Haddii aad degan tahay ama ku sugan tahay dal dibadda ku yaalo, waxaad ku codeeyn kartaa warqad ama waxaad codayn kartaa maalinta doorashada kahor. Goobaha aad ka codayn karto waa safaaradaha iyo qunsuliyadaha dalka Iswiidan. Haddii aad ku talo jirto inaad warqad ku codeeyso waa inaad kahor dalbata warqad arrintaas u gaar ah. Waxaad kaloo u baahan tahay laba markhaati oo 18 sano buuxsadeen. Laga bilaabo markii taarikhda ay ku beegan tahay 25 abriil warqadda codbixinta dibadda ayaa ka soo diri kartaa adigoo boostada adeegsado. Fursadda codaynta maalinta doorashada kahor ee safaaradaha iyo qunsuliyadaha dalka Iswiidan waxay bilaaban doontaa 16 maajo.

Codeey adigoo qof wakiil adeegsanayo

Haddii jirro, itaaldarro/curyamid ama da` darteed tegi karin goobta codbixinta ama goobta codaynta maalinta doorashada kahor, waxaad adeegsan kartaa qof wakiil ah. Xaaladdaas waa inaad dalbato wax arrintaas u gaar ah. Fursadda codaynta waxay bilaabataa 16 maajo waxayna dhamaata maalinta doorashada oo ku beegan 9 juunyo.

Waxaad u baahan tahay hal wakiil iyo hal markhaati. Labaduba waa in ay buuxsadeen 18 sano. Wakiilka iyo markhaatiga isku qof ma noqon karo. Haddii wakiil u codkaaga ka bixin doono goobta codaynta maalinta doorashada kahor waa in u sita ama haysto kaarka codaynta ee adiga ku gaarka ah.

Qof wakiil ah ayaa adeegsan kartaa in u ku codeeyo haddii si haynta ama xabsi aad ku jirto. Tan kale haddii aad ku sugan tahay khadka boostada miyiga waxaa wakiil ahaan oo ku codeeyn karo boosto-sideha miyiga.

Yaa wakiil noqon karo?

Da´da wakiilka waa in aysan ka hoosayn 18 sano. Wakiilka wuxuu noqon karaa:

  • qof aad qaraabo tihiin
  • qofka ku daryeelo ama qof caadi ahaan ka caawino arrimaha shaqsiyeed
  • qof ka shaqeeyo si haynta ama xabsiga
  • boosto-sideha miyiga, haddii aad ku sugan tahay khadka boostada miyiga.

Goobta codbixinta ee guuraga ah

Goobta codbixinta oo guuraga ah waxaa loogu talagalay qofka jirro, da´ ama itaaldarro/curyaamid darteed tegi karin goobka lagu codeeyo maalinta doorashada kahor ama goobta codbixinta maalinta doorashada. Goobta codbixinta oo guuraga ah waxaa qabanqaabiyo maamulka degmada, waxayna ka kooban yihiin laba qof oo guriga kugu soo booqan doono kaddib ka qaadi doono codkaaga. Warbixin dheeraad kala xiriir maamulka degmadaada.

Su`aallo?

Ma doonaysaa inaad dalbato waxyaalaha la isticmaalo, kaarka codaynta cusub ama su`aallo xiriir la leh halka iyo sida loo codeeyo miyaa na waydiin lahayd? Xaaladdaas la xiriir Guddiga doorashada ee degmada, booqo www.val.se ama wac Valupplysningen taleefan 020-825 825 (dalka gudahiisa) ama +46 (0) 771 270 999 (dalka dibadiisa).