In la codeeyo
Maalinta Axadda ee 11 Sabteembar 2022 waxaa dhici doona doorashada baarlamaanka, golaha degmada iyo goballada.
Yaa codayn kara?
Si aad xaq ugu yeelato in aad codayso, waa in aad 18 jirsatay ugu dambeyn maalinta doorashada. Macluumaadka ku jira diiwaanka dadweynaha, 30 maalmood ka hor maalinta doorashada, ayaa go'aaminaya in aad xaq u leedahay in aad codeysid iyo in kale iyo deegaan doorashada aad ka tirsantahay.
Waxaad xaq u leedahay in aad u codayso baarlamaanka haddii aad tahay:
- muwaadin Iswiidhish ah oo ka diiwaan gashan ama ka diiwan gashanaa Iswiidhan.
Waxaad xaq u leedahay inaad u codayso golaha degmada iyo gobolka haddii aad tahay:
- muwaadin Iswiidhish ah oo ka diiwaan gashan Iswiidhan
- muwaadin ka tahay mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ama tahay muwaadin u dhashay Iceland ama Norway oo ka diiwaan gashan Iswiidhan
- muwaadin u dhashay wadan kale oo ka diiwaan gashanaa Iswiidhan saddex sano oo isku xig-xigta maalinta doorashada ka hor.
Adigaaga xaqa u leh in aad cod bixiso waxa aad helaysaa kaarka codbixinta
Adigaaga xaqa u leh in aad codeyso, kaarka codbixinta ayaa boostada kuugu imaanaya saddex toddobaad doorashada ka hor. Kaarka codbixinta waxaa ku qoran doorashada aad xaqa u leedahay in aad u codayso, iyo sidoo kale magaca, cinwaanka iyo saacadaha ay furantahay goobtaada codbixintu. Haddii aadan haysan kaarka codbixinta, waxaad mid cusub ka dalban kartaa degmada ama Hay'adda doorashooyinka.
Waraaqaha codbixinta
Waraaqaha codbixinta ee doorashada baarlamaanku waa jaalle, kuwa doorashada golaha degmadu waa caddaan, kuwa doorashada golaha gobalkuna waa buluug. Waraaqaha cod bixinta waxay yaallaan meel kasta oo aad ka codayn karto.
Xisbi u codey
Hor iyo horraan waxaad u codeyneysaa xisbi. Magaca xisbigu wuxuu ku qoranyahay warqadda codbixinta. Haddii aad aadan helin warqadda codbixinta ee xisbigaaga, waxaad ku qori kartaa magaca xisbiga warqad maran oo codbixin.
Qof u codeyn
Haddii aad doonayso in la doorto mid ka mid ah musharraxiinta xisbiga, waxaad istallaab saari kartaa sanduuqa ku hor yaal magaca murashaxa ee warqadda codbixinta. Waxaad istallaab u saari kartaa hal musharrax oo keliya. Waxaad xitaa qof ugu codayn kartaa adigoo warqad maran oo codbixin ku qoraya magaca xisbiga iyo magaca musharraxa.
Halkan ayaad ka codeyn kartaa
Goobtaada cod bixinta ka codey maalinta 11 Sabteembar
Waxaad ka codayn kartaa oo keliya goobta cod bixinta ee ku qoran kaarkaaga codbixinta. Goobta codbixintu waxay furantahay oo keliya maalinta doorashada. Marka aad ka codeyso goobtaada codbixinta, waxa lagaa saxayaa liiska codbixiyayaasha waxaana codkaaga lagu ridayaa sanduuqa codbixinta.
Horey uga sii codey goobta codbixinta ee degmadaada ama degmo kale
Waxaad horay uga sii codeyn kartaa goob kasta oo codbixin oo ku taal meel kasta oo waddanka ka mid ah. Horay u sii codeyntu waxay bilaabaneysaa 24 Agoosto, waxayna soconeysaa ilaa iyo maalinta doorashada. Waa in aad wadataa kaarka codbixinta marka aad horay usii codeyneyso. Warbixin ku saabsan meesha aad horay uga sii codayn karto waxaad ka heleysaa degmadaada ama val.se.
Dibadda kasoo codey
Haddii aad dibadda joogtid, waxaad codkaaga ku soo diri kartaa boostada ama waxaad horay uga sii codeyn kartaa safaarado iyo qunsuliyado badan oo Iswiidhish ah. Si aad codkaaga boosto ugu soo dirto, waa in aad isticmaashaa shay gaar ah oo aad ka dalbaneyso Hey’adda doorashooyinka, degmada, safaaradaha ama qunsuliyadaha. Codka waxaa boosto lagu soo diri karaa ugu horreyn 28 Luulyo haddii dibaddda la joogo. Waxaad horay uga sii codeyn kartaa safaaradaha ama qunsuliyadaha ugu horreyn 18ka Agoosto.
Waa in aad muujisaa in aad adigu adiga tahay
Si aad u codayso, waa in aad caddaysaa aqoonsigaaga adigoo dadka tusinaya warqad aqoonsi. Haddii aadan haysan dukumeenti aqoonsi ah, qof kale ayaa cadeyn kara aqoonsigaaga, laakiin markaas waa in qofkaasi uu dadka tusaa warqad aqoonsi ah.
Haddii aad u baahantahay in cod bixinta lagaa caawiyo
Ku codey wakiil
Waxaad ku codayn kartaa wakiil haddii, jirro, naafanimo ama da' awgeed, aadan awoodin inaad tagto goob codbixin ama goob horay looga sii codeeyo. Waxaad sidoo kale ku codayn kartaa wakiil haddii lagugu hayo saldhig boolis ama aad xabsi ku jirtid.Waxaa codka leesku dubbaridi karaa ugu horreyn 18 Agoosto, ugu dambeynna maalinta doorashada. Waxaad u baahantahay wakiil iyo markhaati. Labaduba waa in ay buuxsheen 18, mana aha in uu isku hal qof noqdo wakiil iyo markhaati labadaba.
Waxaad u baahantahay wakiil – yaa wakiil noqon kara?
Wakiilku waa in uu noqdaa ugu yaraan 18 jir. Dadkan ayaa wakiil noqon kara:
- xigtadaada
- waalidkaa iyo qof caadi ahaan kaa caawiya arrimaha shakhsiga ah
- shaqaale ka shaqeeya saldhig boolis ama xabsi
- boostaale miyi, haddii aad deggantahay khad uu maro boostaale miyi.
Si aad ugu codeyso wakiil, waxaad u baahantahay shay gaar ah oo aad ka dalbaneyso degmada ama Hay'adda doorashooyinka. Haddii aad wakiil goor hore kula codaysid, waa in aad haysataa kaarkaaga codbixinta.
Rugta qabashada cod bixinta ee wareegta
Rugta qabashada codadka ee wareegta waxaa loogu tala galay adigaaga jirro, da’ ama naafanimo awgeed aan horay u sii codeyn karin ama aan ka codayn karin goob codbixin. Marka aad adeegsaneysid rugta qabashada codadka ee wareegta, degmadaada ayaa kuu qabanqaabineysa si laba qof oo qabta codadku ay kuugu imaanayaan gurigaaga oo ay kaaga qabanayaan codkaaga. Wixii macluumaad ah ee dheeraad ah kala xiriir degmada.